Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jeneral Galaal oo lagu dilay weerarkii hotel Afrik


Jeneral Galaal

Allaha u naxariistee Jeneral Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Geerida Jeneral Galaal ayaa waxaa VOA u xaqiijiyey mas'uuliyiin ka tirsan hoteelka la weeraray.

Hotelka ayaa dhanka kale waxaa laga soo bad-baadiyey saraakiil kale oo ay ka mid yihiin General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo Labo Afle.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad shacab ah iyo askar, inkasta oo aan weli la heyn tirada rasmiga ah.

Hoteelka Afrik, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG