Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad badan oo laga soo bad-baadiyey weerarka hotel Afrik


Qarax Hotel Afrik
Qarax Hotel Afrik

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa dad badan oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira kasoo bad-baadiyey hotelka Afrik oo caawa ay weerareen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab.

Hoteelka hotelka Afrik, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa waxaa albaabka laga galo ka dhacay qarax xooggan kadibna waxaa gudaha u galay dabley Al-Shabaab ah.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar ayaa sheegay in sarakisha lasoo bad-baadiyay ay ku jiraan General Yuusuf Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah milkilaha hoteelka.

Illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, waxaase jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

XS
SM
MD
LG