Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hotel ku yaalla Muqdisho oo qarax lala beegsaday iyo dabley gashay


Qarax Hotel Afrik
Qarax Hotel Afrik

Qarax xooggan ayaa ka dhacay hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, oo ku yaalla waddo aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dabley la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ay galeen hoteelka, islamarkaana ay rasaas xooggan is-weydaarsanayaan ciidamada amniga.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weerarka xigay, mana jiraan mas’uuliyiin ka hadlay weerarka.

“Baabuur xowli ku socda ayaa ku qarxay meel u dhow hotelka iyo bar control, waxaana xigay rasaas xooggan,” waxaa sidaas yiri Cali Cabdullaahi oo goob ganacsi ku leh aagga, lana hadlay Reuters.

Cali ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay inay dabley galeen hotelka.
Ciidamada amniga ayaa lagu warramayaa inay aagga isku hareereeyeen.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Dadka Hotel Afrik ku jiray ee ka soo badbaaday weerarkan waxaa ka mid ah, CabdiKaafi Yuusuf Adan, oo ah weriye ka tirsan VOA. Caasha Cuud ayaa goor dhaweyd Khadka taleefonka ku wareystatay, iyadoo weydiisay sida ay wax u dhaceen.

Weerar lagu qaaday hotel Afrik
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:49 0:00


XS
SM
MD
LG