Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo ku baaqay shir uu la yeelanayo madaxda Dowlad-goboleedyada


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay shir wadatashi ah oo maalinta Isniinta ee 1-da bisha February ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug.

Shirka oo socon doona muddo saddex cisho ah ayuu madaxweynuhu ku dhawaaqay qabsoomiddiisa ka dib kulan uu maanta xarunta Madaxtooyada kula yeeshay xubnaha beesha caalamka oo uu hogaaminyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Swan ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo uu ku doonayo in looga baaqsado rabshado la xiriira muranka doorashada oo ka dhaca Soomaaliya ama in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho aan wadar-oggol aheyn.

Qoraalkan ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha “oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey,” uu ku dhawaaqay in shirkani wadatashiga ah uu qabsoomo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkan wadatashiga ah ay ka qeybgali doonaan madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

“Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Ugu danbeyntii, qoraalka Mdaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu shir degdeg ah isugu yeerayo xubnaha labada aqal ee baarlamaanka kaasi oo la qabanayo 5-ta bisha February, waxaana uu shirkaasi ka jeedin doonaa warbixin quseysa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka.

XS
SM
MD
LG