Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay qaraar 13 kursi siinaya Gobolka Banaadir


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraar kasoo baxay golaha shacabka oo dhigaya in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare, sida lagu sheegay qoraal kaso baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.”

Madaxtooyada ayaa sheegtay in qaraarkan la fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, taasi oo weli aan dalka ka billaaban.

XS
SM
MD
LG