Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo ka hortimid guddiyo ay magacaabeen Puntland iyo Jubaland


Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaan hab sharci ah loo marin guddiyo doorasho oo ay xalay magacabeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in habka loo magacaabay guddiyada uu khilaafayo heshiiskii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay ka gaareen doorashada, ee 17-kii September lagu gaaray Muqdisho.

"Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasiiirka ayaa intaas ku daray in sidoo kale guddiyadan aan loo soo gudbin xafisyada ra’iisul wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha midna.

Guddiyada ay Jubaland iyo Puntland xalay magacaabeen ayaa ah ku heer gobol ee doorashada.

Magacabaista guddiyada ayaa ah mid ka mid ah qodobada sida aadka ah la isugu hayo ee hortaagan in la gudo galo doorashada Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG