14 qof, oo 10 ka mid ah ay ahaayeen caruur kasoo jeeday saddex qoys oo ehel dhow isu-ahaa, ayaa habeen hore ku geeriyooday madfac ku habsaday guri ay rasaasta kaga gabanayeen oo ay kuwada sugnaayeen, degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Arrintan ayaa dhacday xili uu dagaal dhex marayey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata maamulka Jubaland.
Lixda qof ee isla madfacaas uu dhaawacmay oo loo qaadey magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu markii dambe dhaawaciii soo gaaray u geeriyooday, taasi oo tirada dhimashada qoysaskaasi ka dhigaysa 15.
Sahra Cabdi Axmed oo joogto Washington ayaa la xariirtay aabe ku waayey 5 caruur ah dagaalkaasi iyo qaar ka mid ah ehellada qoysaska ay dhibaatadu gaartay. Warbixintan ayeyna ka diyaarisey.