Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar ka tirsan militariga Soomaaliya oo qarax lagu dilay


Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino lala eegtay gaari kuwa dagaalka ah oo ay saaraayeen ciidamo ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa weerar lagu qaaday gaari nooca rakaabka qaada ah oo ay saaraayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Qaraxa iyo weerarka oo ka dhacaay deegaanno ka ku yaalla duleedka degmada Balcad ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen shan ka mid ah askartii gaarigaa saarneyd.

Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan Beledweyne kasoo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:59 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG