Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo qoraal rasmi ah kasoo saartay dagaalka Beled Xaawo


Raychelle Omamo, wasiirka arrimaha dibedda Kenya
Raychelle Omamo, wasiirka arrimaha dibedda Kenya

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dagaalka magaalada Beled-Xaawo, oo dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay soo qaadeen “jabhad ay soo hubeysay” Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”
Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

Kenya, oo aan si toos ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “soo hubeysay jabhad fallaago ah” ayaa ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo.

Wasiirka Warfaafinta dalwadda Soomaaliya ayaa goor dhowayd u sheegay warbaahinta inay ciidanka dawladdu jebiyeen “jabhaddii fallaagada” ee soo weerartay.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ciidanka dawladdda ay gacanta ku hayaan magaalada Beled Xaawo.

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayuu yiri Dubbe.

XS
SM
MD
LG