Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Beled Xaawo


Ciidamada
Ciidamada

Wararka ka imanaya magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay xalay iyo saaka ka dheceen dagaallo culus.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Beled Xaawo soo weerareen “jabhad fallaago” ah oo ay soo hubaysay dawladda Kenya.

Dawladda kenya ayaan markiiba ka jawaabin hadalka dawladda, hase yeeshee waxay dawladda Kenya horey u beenisay inay faragelin ku hayso Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dhinaca maamulka Jubaland ayaa iyaguna dhinacooda sheegay inay ciidanka daraawiishta Jubaland lasoo weeraray, dagaalkiina uu sidaas ku qarxay kadibna ay ciidankii isla galeen magaalada Beled Xaawo.

Dagaalka ayaa saacadihii hore ee saaka si xooggan uga socday magaalada, waxaana uu sababay khasaare nafeed oo ay ku jiraan dad ka wada tirsan qoys oo ku dhintay weerarkaas, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta dalwadda Soomaaliya ayaa goor dhowayd u sheegay warbaahinta inay ciidanka dawladdu jebiyeen “jabhaddii fallaagada” ee soo weerartay.

Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu sheegay in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka, islamarkaana ciidanka dawladdda ay gacanta ku hayaan magaalada Beled Xaawo.

Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya.

Kenya, oo aan qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “soo hubeysay jabhad fallaago ah” ayaa ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Beled Xaawo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00


XS
SM
MD
LG