Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno hore oo Muqdisho lagu weeraray


Qarax ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in maanta qarrax lala beegsaday laba xildhibaan oo horay uga tirsanaa Golaha Shacabka Soomaaliya.

Qarraxa oo ka dhacay xaafadda Beyxaani ee degmada Shibbis, ayaa waxaa lala eegtay Muxiddiin Xasan Afrax iyo Xuseeen Carraale Caddaan. Labada xildhibaan ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen qarraxaasi.

Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray, Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG