Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay 'cidda ka dambeysay' dilka guddoomiyihii degmada Hodan


Cabdixakiin Dhagajuun

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada booliska ay mas’uul ka ahaayeen dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun oo xalay ka dhacay agagaarka isgoyska Howlwadaag.

Wasiiru Dowlaha Aminga Gudaha Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo goordhow la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gacanta lagu hayo saraakiishii iyo ciidankii ku lugta lahaa dilka Cabdixakiim Dhegajuun.

Waxa uu sheegay in dadka lagu eedeynayo dilka hadda lagu hayo xarunta CID ee Muqdisho, islamarkaana baaritaan iyo su’aalo ay ku socdaan.

Cabdixakiim ayaa shalay un ka soo noqday safar caafimaad oo uu tagay dalka Turkiga, ka dib markii uu ku dhaawacmay qarax bishii November ee sanadkii hore lala eegtay baabuur uu saarnaa oo marayey waddada 21-ka October.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG