Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Mareykanka oo sheegay inay dileen 3 Al-Shabaab ah


Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqayn ay maanta ka gaysteen nawaaxiga degmada Jamaame.

Mareykanka ayaa sheegay inay gaysteen laba duqaymood kuwaasi oo lagu dilay xubnahaasi. Mareykanku waxa uu sheegay in qiimaynta hordhaca ah ay muujinayso inaan cid rayid ah aysan wax ku noqonin duqayntaas.

Dhinaca kale warbaahinta ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dhinacooda in mid ka mid ah dadka la dilay uu ahaa oday dhaqameed. Mid ka mid ah saraakiisha Jubaland u qaabilsan aagga Jamaame waxa uu isna VOA u sheegay in qofka la dilay uu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG