Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AFRICOM hawada miyey ka saaraysaa idaacadaha Al-Shabaab?


AFRICOM
AFRICOM

Taliska milatariga ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gasyteen degmada Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool maalintii Isniinta ee 18-ka Jannaayo.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu burbruriyey dhisme ay leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqayntan lagu dhuftay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab. Taliska AFRICOM ma aysan faahfaahin in dhismaha uu xarun u ahaa idaacadda Andalus.

Waa duqayntii 4-aad ee sannadkan cusub ay Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya.

Duqayntan tii ka horraysay waxay AFRICOM ka gaysatay degaanka Buulo Falaay ee Gobolka Bakool 13-ka Jannaayo, waxaana talisku sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyey hal dhisme. Dhinaca kalena warbaahinta Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegay in duqayntaas lagu dhuftay farac ay leedahay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab.

Labada duqaymood ee kale waxay ka kala dheceen Kuunyo Barrow iyo Saax Weyne. Duqaynta Saax Weyne ayaa AFRICOM sheegtay in lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan kuwii la bartilmaameedsaday, halka duqaynta Kuunyo Barrow ay AFRICOM sheegeen in lagu burburiyey dhisme.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegeen in weerarka Kuunyo Barrow lagu burburiyey dhismaha idaacadda Al-Furqaan oo taageerta ururka Al-Shabaab. AFRICOM dhinacooda kama aysan hadlin inay si gaar ah u bartilmaameedsatay idaacaddo, waxay sheegeen oo keliya inay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dhismayaal ay leeyihiin ururkaasi.

XS
SM
MD
LG