Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mas'uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Afar qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay degaanka Garasbaalay ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ilo kala duwan oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay VOA Somali inay qaraxan ku dhinteen Guddoomiye xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee Garasbaalay Cali Maxmed Macalin iyoGuddoomiyihii dhalinyarada Garasbaalay Cabdirashiid Dubbad.

Waxaa sidoo kale ku dhintay weerarkaas dareewal iyo xubin ka mid ahaa ilaadala mas’uliyiinta.

Mas’uuliyiinta degaanka Garasbaalay ayaa si xooggan u cambaareeyey weerarkan oo ay sheegteen maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa waxaa sababtay miino lagu aasay waddada dhinaceeda.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Mas'uuliyiin ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:16:50 0:00


XS
SM
MD
LG