Barlamanka Soomaaliya ayaa 16-kii Bishii November ee sanadkii tagay ansixiyey xubno ka tirsan Golaha Adeega Garsoorka oo tiradoodu gaareyso ilaa 7 xubnood, waxana sharciyan Golaha Adeega Garsooka uu ka kooban yahay 9 xubnood.
Hadaba halkey ku danbeeyeen 2-dii xubnood ee Golahan ka dhimanaa, maxaase ka jira muranka ku saabsan in Golahan aanu sharci ahayn maadaama la ansixiyey waqtigii kalsoonida lagala laabtay xukuumadii ra’iisul wasaare Kheyre.
Arrimahaas iyo kuwa kale oo ku saabsan howlaha Adeega Garsoorka ayuu wariyaheen Muqdisho Xasan Kaafi Qoyste ka wareystay Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis) oo ka mid ah Golaha Adeega Garsoorka.