Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka dhacay Shabeellada Hoose


Ugu yaraan 5 ayaa ku dhaawacantay kadib weerar iskugu jira qaraxyo iyo weerar daba socday oo lagula eegtay kolonyo agagaarka degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellda Hoose.

Kolonyada baabuurta ayaa waxaa la socday guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo saraakiil ka tirsan milatariga, waxaana la socday ciidan iskugu jira Danab iyo Guutada Toddobaad, sida ay VOA u sheegeen ilo amni oo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego.

Dadka la dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil, waxaana dhaawucu ka yimid baabuur la rogamaday, sida ay noo sheegeen ilo wareedyo qariyey magacooda sababtoo ah looma oggola warbaahinta inay la hadlaan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Weerarka ayaa la sheegay inuu marka hore ahaa qarax lala eegtay baabuurta, kadibna waxaa ciidamada iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab dhexmaray dagaal.


Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Askar lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellada Hoose
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:04 0:00



XS
SM
MD
LG