Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar askari oo lagu dhaawacay weerar ka dhacay Baardheere


Afar askari oo midkood uu sarkaal yahay ayaa ku dhaawacmay weerar maalintii shalay ka dhacay meel u dhow magaalada Baardheere.

Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen VOA, weerarkan ayaa dhacay xilli askartaasi ay u gurmanayeen ciidan kale oo ka tirsan kuwa dawladda oo hawlgal ka waday degaanka Korey oo ilaa 10-km dhinaca Koonfureed ka xiga magaalada Baardheere.

Intii ay ciidanku ku jireen hawlgalka Korey ayey ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalka la dhaawacay ayaa la sheegay inuu dhaawciiisu aad u culus yahay. Sarkaalkaasi oo magaciisa ay ilo xog-ogaal ah noogu sheegeen Gaashaanle Maxamed Dheere ayaa taliye u ah ciidanka deggan degaanka Baardheere.

Weerarkan ayaa dhacay gelinkii dambe ee Talaadadii shalay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG