MUQDISHO —
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa kaga digay dhinacyada isku haya doorashada in dalka ay geliyaan qalalaase.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhexeeya dawladda federaalka, iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo weliba musharraxiinta mucaaradka.
Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.