Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukuumadda oo Billaabeysa Hannaanka Doorashada iyo Mucaaridka oo u Jawaabay


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in la bilaabayo hannaanka doorashada dadban ee Soomaaliya oo aan cid danbe la sugi doonin.

Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay, in xukuumaddiisu ay ka go’aansatay in la gudo galo hirgalinta si aan waqti kale loo lumin.

Haddalkan ayaa imanaya iyadoo wali hanaanka doorashada ay diidan yihiin maamul-goboleedyada qaarkood iyo waliba mucaaradka. Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Halkaan ka dhageyso warbixinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00


Dhanka kale, Midowga Musharrixiinta ayaa ka jawaabay go’aanka xukuumadda ay ku sheegtay inay ku bilaabayso hirgalinta hannaanka doorashada.

Ridwaan Xirsi Maxmaed oo ah Afahyeenka Midowga Mushaurxiinta ayaa ku tilmaamay go'aanka Dowladda ay gaartay in uu yahay mid ay ku dooneeyso in ay ku boobto doorashada.

Weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa Khadka taleefonka ku wareystay Ridwan, wuxuuna weydiiyay aragtidooda go’aanka ka soo baxay dowladda.

Halkaan ka dhageyso jawaabta mucaaridka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:20 0:00


XS
SM
MD
LG