Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Al-shabab oo la Wareegay Deegaanka Cimaamad


Warar laga helayo deegaanka Cimaamad oo deegaanka Wisil u jira 15KM ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la wareegay Malayshiyad ka tirsan Al-Shabaab, ka dib iska horimaad kooban oo dhaxnaray dadka deegaanka Iyo Al-shabab

Dadka deegaanka Wisil oo VOA ay la xiriirtay ayaa waxa ay u sheegeen in deeganka Cimaamad oo kamid ah deeganada hoostaga Bacadweyne aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay isku dhicii xalay.

Dadka ku dhaqan deegaanada Bacadweyne, Shabelow Iyo Cimaamad ayaa horay dagaal ula galay Al-shabab ka dib markii ay ka biyo diiden fulinta ammarada Al-shabab ay dadka deegaanka kaga dalbanayeen bixinta xoolaha ay ugu yeereen sakada.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG