Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Axmed Cabdinuur oo ku geeriyooday London


Axmed Cabdinuur
Axmed Cabdinuur

Weriye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa weriyayaasha ugu caansan Soomaalida, islamarkaana muddo ka shaqeynayey laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta ku geeriyooday magaalada London oo u uku noolaa.

Geerida Axmed Cabdinuur ayaa waxaa xaqiijiyey ehelkiisa, iyo sidoo kale hay’adda BBC ee uu ka shaqeyn jiray.

Axmed Cabdinuur, ayaa u geeriyooday cudurka COVID-19, oo dhowaan ku haleelay magaalada London ee dalka UK. UK ayaa ka mid ah dalalka ugu darran caalamka ee uu cudurkan sidan weeyn u saameeyey.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ka shaqeynayey muddo ku dhow 25 sano, isaga oo ka shaqo billaabay bishii June ee sanadkii 1996, xilligaas oo uu ahaa weriyaha BBC ee Muqdisho, sida ay sheegtay BBC Soomaali.

Axmed Cabdinuur ayaa shaqada BBC ka fariistay horaantii sanadkii 2019.

XS
SM
MD
LG