Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sidee Guryasamo uga qeyb qaadataa guurka dhallinyarada Muqdisho?


Guryasamo
Guryasamo

Hay'adda Guryasamo oo ay aas-aaseen dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa sanadihii ugu dembeeyay ka shaqeyneysay dhismaha qoysas cusub oo Soomaaliyeed.

Hay’addaas ayaa sidoo kale lammaanaha ku nool caasimadda Soomaaliya siinayey tababarro ku saabsan hannaanka suubban ee dhaqanka qoysaska.

Sanadkii lasoo dhaafay waxay guur wadareed ugu sameeyeen dhalinyaro qabay baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo iminka qaarkood ay carruur haaystaan, halka sanadkaanna ay qorsheynayaan dhismaha qoysas cusub.

Farxiyo Muxuyidiin Yuusuf oo loo yaqaanno Farxiya Lama-filaan oo kamid ah mas'uuliyiinta hay'adda waddaniga ah ee Guryasamo, ayaa waxaa la kulmay weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow, waxaana uu ugu horreyn weydiiyay, sida uu ku yimid dhismaha hay'addaan iyo sida mashruucaan ay ku billaabeen.

Sidee hay'adda Guryasamo uga qeyb qaadataa guurka dhallinyarada Muqdisho?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:40 0:00


XS
SM
MD
LG