Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahin kasoo baxday qarax xalay ka dhacay Muqdisho


Faah-faahin ayaa kasoo baxday qarax xalay fiidkii ka dhacaydegmada Waaberi, gaar ahaan nawaaxiga Iskuulka 21-ka Oktoobar.

Qaraxa oo ahaa miino la dhigay wadda dhinaceeda ayaa lala beegsaday, afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Siddiiq Aden Cali, hase yeeshee afhayeenka ayaa ka badbaaday.

Siddiiq oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in gaariga uusan la socon. Sida ay sheegeen dad goob joog ah, qarraxa ah ayaa waxaa ku dhintay haweeneey rayid ah oo ka jidka mareysay.

12 November ee sanadii hore ayey ahayd markii isla wadadan qarax Miino lagula beegsaday, Gudoomiyaha Dagmada Hodan Cabdixakim Dhaga-juun uuna dhaawac ka soo gaaray.

Qaraxyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah falalka amni darro ee ka jira caasimada, waxana marka qaraxyada laga soo tago sidoo kale jira, dilal qorsheysan oo magaalada ka dhaca.

Falkii ugu danbeeyey ee todobaadkan gudihiisa dhaco ayaa ahaa, mid laba wiil oo dhalinyaro ah lagu dilay xaafada Laba-Dhagax ee dagmada Wardhiigleey.

XS
SM
MD
LG