Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DF oo soo saartay go’aan u muuqda inuu beegsanayo mucaaradka


Xasan Xundubey
Xasan Xundubey

Wasaarada Amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartey qoraal ay ku xustey in aanan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lala geli karin wax hub ah.

Waxa ay wasaaradu xustey in loo ogol yahay oo kaliya hubka in ay la galaan garoonka madaxweynaha dowlada federaalka, ra’iisul wasaaraha, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa ka hor istaagaya madaxdii hore ee dalka soo martey iyo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha inay wax hub ah la galaan garoonka diyaaradaha.

Haddaba Wasiirka Amniga ee dowlada Federaalka Xasan Xundubey Jimcaale ayey wariyaheena Falastiin Axmed Iiman ka wareysatey go’aankaas, ugu horeyna waxa ay weydiisey go’aankan cusub ee ay soo saareen iyo saameyntiisa?

DF oo soo saartay go’aan u muuqda inuu beegsanayo mucaaradka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00


XS
SM
MD
LG