Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Balcad


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Ugu yaraan seddex qof oo midkood askari yahay ayaa lagu dilay, lix askari oo uu ku jiro taliye ciidan-na way ku dhaawacmeen kadib laba qarax oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay bar-kontarol oo ku taalla degmada Balcad.

Dhawaqa qaraxa kowaad oo laga maqlay guud ahaan magaalada, sida ay sheegeen goob joogayaal. Qaraxa koowaad waxaa ku dhintay laba dhalinyaro oo ciidanka la joogay. Qaraxa labaadna waxa uu dhacay kadib markii dad badan ay kusoo xoomeen goobta.

Lix askari oo qaarkood dhaawacyadooda culus yahiin ayaa Muqdisho loo qaaday si loogu soo daweeyo, sidaasi waxaa VOA u sheegay ilo wareedyo diiday in magacooda la sheego.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Maalintii shalay ayaa qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degaanka Lafoole waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan shaqaale u dhashay Turkiga oo waday dhisaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dawladda Turkiga iyo tan Soomaaliya ayaa labaduba cambaareeyey weerarkaas oo ay sheegteen maleeshiyada Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG