Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2021 oo dhaqan gashay


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay Sharciga Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021.

Miisaaniyadda waxaa 29-kii bishan soo meel-mariyey xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, markaasi oo ay u codeeyeen dhammaan 145 mudane ee kulankaas joogay.

Miisaaniyaddan ayaan la horgeyn golaha Aqalka Sare ee dalka, taasi oo ka duwan miisaaniyaddii 2020 oo ay wada ansixiyeen labada aqal ee baarlamanka. Ma cadda sababta aan loogu gudbin.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa xalay lagu yiri Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyagoona ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.”

XS
SM
MD
LG