Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo kaaliye cusub usoo magacawday Soomaaliya


UNSOM Somalia
UNSOM Somalia

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Arbacadii u magacaabay haweeneyda lagu magacaabo Anita Kiki Gbeho, oo u dhalatay dalka Ghana, ku-xigeenka wakiilkiisa gaarka ah ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.

Kiki Gbeho ayaa xilkan kala wareegysa ninka jagadan horay usoo hayey ee Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe, kaas oo isagana loo magacaabay kaalliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Libya.

Xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in Gbeho ay leedahay qibrad 25 sano ah oo la xiriirta qorsheynta istaratjiyadda, isku duwidda iyo maamulka siyaasadda waxayna kasoo shaqeysay xafiiska horumarinta arrimaha binu’aadannimada Qaramada Midoobay ee New York.

Haweeneydan ayaa Qaramada Midoobay kala soo shaqeysay dalal colaado ka dhaceen oo ay kamid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG