Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar askari oo dharcad ah oo lagu dilay Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in afar ka tirsan ciidamada amniga toogasho lagu dilay, degmada Waaberi.

Toogashadan ayaa dhacday saaka, waxaana ciidanka la toogtay ay ahaayeen kuwo dharcad ah, sida ay ay goobjooagayaal u sheegeen VOA.

Ilo amniga ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa VOA u xaqiijiyey dilkan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Dawladda Soomaaliya ilaa haatan si rasmi ah ugama aysan hadlin dilkan dhacay.

XS
SM
MD
LG