Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhaawacmay rabshado maanta ka dhacay Beledweyne


Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne
Ciidamada dowladda oo ku sugan Beledweyne

Saraakiil caafimaad oo diiday in magacooda la shaaciyo, sababo amni dartood, ayaa VOA u xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof oo midi dumar tahay maanta lagu dhaawacay bartamaha magaalada Baledweyne kadib markii ay isku dhaceen ciidamada amniga iyo dad mudaaharaad dhigayey.

Dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa sheegay inay kaga soo horjeedaan howlgal ay ciidamada amniga kusoo xireen dad tobaneeyo gaaraya, oo isugu jira ganacsato, dhallinyaro iyo afhayeenka xoogagga kasoo horjeeda maamulka HirShabelle oo uu hogaamiyo Janeral Abuukar Xuud.

Banaan baxayaasha ayaa socod kusoo maray waddada dheer ee isku xirta garoonka diyaaradaha iyo xaruumaha dowladda ee bartamaha magaalada, sidoo kalana waxaa muddo laba saac ka badan xirnaa goobaha ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii magaalada.

Howlgalka ciidan ee ka socday Baledweyne saddexdii cisho ee la soo dhaafay, ayaa ciidamada amniga Soomaaliya waxaa ku wehlinayey ciidamada Amisom ee ka kala socda Jabuuti iyo Ethiopia, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal ah.

Balse Amisom qeyb kama aheyn iska horimaadkii duhurimadii maanta dhex-maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka mudaaharaadka dhigayay.

VOA waxa ay la xiriirtay laamaha amniga gobolka Hiiraan iyo maamulka HirShabelle, si ay aan wax uga weydiino dhacdadan, balse nooma suurto-galin in aan telefoon ku helno.

Duleedka waqooyi ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka HirShabelle.

Afhayeen u hadlay dadka mudaaharaadka maanta dhigayay ayaa sheegay in mudaaharaadkooda uu daba joogo tabashooyin la xiriira natiijadii kasoo baxday doorashadii horraantii bishii November ka dhacday magaalada Jowhar oo ay xildhibaanada HirShabelle madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ugu kala doorteen Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed .

Xaalada magalada ayaa galinkii dambe caadi ku soo laabtay.

XS
SM
MD
LG