KISMAAYO —
Dabeylo xoogan ayaa ka kacay xeebaha gobolka Jubbada Hoose kuwaasi oo saameyn ku yeeshay kalluumeysatada iyo doomaha ganacsiga ee shixnadaha ganacsi u qaada jaziiradaha iyagoo ka cabsi qaba in dabeyluhu ay dhibaateeyaan.
Arrintan ayaa keentay koror ku yimid sicirka kalluunka ee suuqyada magaalada Kismaayo maadaama doomuhu aysan badda gelin karin si ay u soo jillaabtaan.
Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad (Kismaayo) ayaa warbixintan nooga soo diray Kismaayo.
Facebook Forum