Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fanaan Cabdi Cali Bacalwaan oo geeriyooday


Bacalwaan

Waxaa xalay dalka Jarmalka ku geeriyooday Allah u naxariistee Fanaankii Soomaaliyeed ee Cabdi Cali Bacalwaan, oo in muddo ah ku xanuunsanayey dalkaasi.

Fannaanka ayaa lagu waramayaa in uu toddobaadyadii ugu danbeeyayba ku xannuunsanayay isbitaal ku yaala magaalada Mainz ee Jarmalka, isaga oo ku jiray xaalad miir dabool ah.

Bacalwaan waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii hoballada Waabari isaga oo ku luuqayay heeso tiro badan oo isugu jira Jaceyl iyo Wadani, waxaana uu ahaa Fannaan si weyn ay dadku codkiisa u jeclaayeen.

Wariyaha VOA-da Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa ka wareystay taariikhda marxuumka Hodan Cumar Dhuule oo ah fanaanad degan dalka Jarmalka, marka horese waxa xaaladiisii caafimaad ee hore ka waramaya Sheekh Cabddiqani Xoosh Barre oo marxuumka ka war hayey intii xanuunsanayey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:03 0:00

Dhinaca kale, Wareysi kooban oo uu fankiisa iyo noloshiisa uga sheekeynayo ayaa Bacalwaan horey u siiyey VOA, waxa uuna ku baxay barnaamijka caweyska VOA-da bishii December sanadkii 2013-kii. Sahra Ciidle Nuur ayaa wareysiga la yeelatay.

please wait

No media source currently available

0:00 0:18:11 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG