Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo saxiixay xeer dib dhigaya ansixinta wax ka beddelka dastuurka


Farmaajo
Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay xeer madaxweyne oo dib dhigaya ansixinta wax ka beddelka dastuurka ku meel gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa taas ku sababeeyey in la galay xilligii doorashada, oo ay sii dhammaanayso muddada xil-haynta baarlamaanka 10-aad.

Muddada xil-haynta baarlamaanka 10-aad ayaa ku eg 27-ka bishan December 2020 oo ah Axadda soo socota, taasi oo ka dhigan in baarlamaanka 10-aad uusan awood u yeelan doonin wax ka beddelka dastuurka.

Qodobka 136-aad ee dastuurka Soomaaliya ayaa dhigaya in dib u eegista dastuurka uu dhammaystiro baarlamaanka, isla markaana loo qaado afti, taasi oo aan lagu wada guulaysan intii uu jiray baarlamaankan 10-aad.

Saxiixa xeerkan waxa uu mas’uuliyadda dhammaystirka db u eegista dastuurka iyo afti u qaadistiisa u gudbinayaa baarlamaanka 11-aad ee soo socda oo la dooran doono.

XS
SM
MD
LG