Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa looga hadlay kulankii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi?


Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle
Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Jabuuti Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay Jabuuti.

Kulanka ayaa yimid maalmo kadib markii ay Jabuuti ku Shireen madaxda IGAD oo arrimaha ay ka hadleen ay ka mid aheyd xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii dowladda federaalka ay xiriirka ugu jartay Kenya arrimo ay ka mid aheyd socdaal uu Muuse Biixi ku tegay Nairobi.

Kulanka Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaa warbixintan kasoo diray weriyaha VOA ee Jabuuti Ramadaan Muuse.

Maxaa looga hadlay kulankii Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muuse Biixi?
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:04 0:00


XS
SM
MD
LG