Warbaahinta dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud uu dacwad ka gudbin doono hay’adda cilmi-baarista ee Sahan Research.
Wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegtay in xeer ilaaliyuhu soo gabagabeeyey baarista gal-dacwadeedka hay’adda Sahan Research, dhowaanna uu u gudbin doono maxkamada gobolka Banaadir, si ay u qaaddo tallaabada ku habbon ee sharciga, sida ay sheegtay SONNA.
Warbaahinta dawladda masoo bandhigin caddaymaha ka dhanka ah eedaha loo jeedinayo Sahan Research.
Dhinaca kalena, hay’adda Sahan Research oo soo saartay war saxaafadeed ayaa sheegtay inay baraha bulshada ka ogaatay in dawladda federaalka Soomaaliya ay damacsan tahay inay dacwad-dambiyeed kusoo oogto hay’adda.
Waxay sheegtay Sahan Research inaan loo soo gudbin wax dacwad ah oo rasmi ah. Waxay sheegtay Sahan Research inay fahamsan yihiin in dacwaddu la xiriirto cadadkii 53-aad ee warqgays ay hay’addu soo saartay.
Sahan waxay sheegtay inay ku kalsoon yihiin cadadkaasi soo baxay ayna ka difaacayaan Sahan Research maxkamad kasta oo sharci ah haddii dacwad lagu soo oogo.