Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan ka tirsan HirShabelle oo qarax lagu dhaawacay


HirShabelle
HirShabelle

Wararka ka imanaya magaalada Jawhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Baarlamanka HirShabelle galinkii dambe ee maanta qarax miino lagula eegtay magaalada Jowhar.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacay xildhibaan Muxumad Colaad oo ka tirsan Baarlamanka HirShabelle iyo askari ilaalo u ah, sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada Jawhar oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo dhinaca amniga ah.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino. Xilliga uu weerarku dhacayna xildhibaanku waxa uu ku sugnaa gurigiisa. Dhaawaca xildhibaanka ayaa la sheegay inuu culus yahay.

Magaalada Jowhar ayaa hore labo xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle lagu diley sanadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka.

XS
SM
MD
LG