GAALKACYO —
Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise, ee magaalada Gaalkacyo qaybta Galmudug, ayaa lagu dilay saraakiil miisaan culus ku lahaa deegaanka, kana tirsanaa ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug.
Saraakiishan ayaa sidoo kale xilal sare ka hayey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana geeridooda ay dhaawac culus ku tahay deegaanka iyo dalkaba.
Haddaba maxaan ka naqaan taariikhda qaar ka mid ah saraakiisha la dilay. Wariyaha VOA, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan ku eegaya taariikh nololeedka qaar ka mid ah saraakiisha qaraxaasi ku dhimatay.
Facebook Forum