GAALKACYO —
Tirada dadka ku dhintay qarixii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa gaartay 21 qof oo dhimasho ah. Qaraxa ayaa dadka ku geeriyooday waxa ay isugu jiraan taliyeyaal iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka dowladda iyo dad rayid ah.
Isla magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu aasay saraakiishii ku geeriyootay qarixii shalay ka dhacay magaalada, iyadoo ay aaska ka qeybgaleen madax ay ka mid ahaayeen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor.
Wararkii ugu danbeeyay waxaa Gaalkacyo nooga soo diray wariyaha VOA, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq.