Waxaa bandow la saarey magaalda Gaalkacyo iyadoo uu socdo baaritaan lagu raadguraayo dadkii ka danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Qaraxa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday 14 qof oo ay ku jireen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.
Wariyaheena Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan inooga soo diray magaalada Gaalkayo.