Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shariif Sheekh Axmed oo Muqdisho Shir Jaraa'id ku Qabtay


Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta oo maanta Muqdisho shir Jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in xaaladda Somaliya ay meel aan wanaagsaneyn mareyso, isagoo dhinaca kale madaxda dowladda Federalka ugu baaqay in wixii tabsho ah ay xaliso.

Hadalka Sharrif Sheekh Axmed ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay xiisadi ka taagneyd magaalada Muqdishu. Kuwaas oo ka dhasay dibad baxyo dowladda looga soo horjeeday, dibad baxyo kale oo ay qorsheynayeen Isbaheysiga Midowga Murashixiinta, iyo ciidamo ay dowladdu ku daadisay meelo ka mid ah Muqdisho oo ay mid yihiin xarumo ay murashixiinta qaar degenyihiin.

Wariyaha VOAda Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG