Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xaafado ay degan yihiin musharaxiinta oo ciidamo la dhigay


Jidadka Muqdisho
Jidadka Muqdisho

Qaar ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, waxaana waddooyinkaas la dhigay ciidamo.

Ciidanka xooggiisa ayaa goobjoogayaashu ay ku arkeen xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, halkaasi oo la sheegay inay deggan yihiin qaar ka mid ah musharrixiinta.

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay inay si kulul u cambaaraynayaan ciidamada la dul dhigay xarumaha qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Midowga Musharaxiinta iyo waddooyinka laga xiray shacabka magaalada Muqdisho, sida ku qornayd war saxaafadeedkaas.

Musharaxiinta ayaa dheegay inay ka digayaan in ciidanka loo adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin xaaladda maanta ee Muqdishu.

Maalintii Talaadada ayey ahayd markii bannaanbaxyo ka dhaceen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dadku dalbanayeen doorasho caddaalad ah oo ku dhacda xilligeeda.

Intii uu bannaanbaxaasi socday ayaa rasaas ay is weydaarsadeen laba ciidan waxaa ku dhaawacmay afar qof. Musharaxiinta ayaa sheegay in bannaanbuxu ahaa mid nabadeed, balse taasi waxa diiday dawladda federaalka saraakiisheeda amniga oo sheegay in dadka qaar hubaysnaayeen, wejiguna u xirnaa.

XS
SM
MD
LG