Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasiirka amniga oo ka digay dibadbaxyada Muqdisho


Xasan Xundubey
Xasan Xundubey

Banaanbaxyo ay oogayeen dad taageersan in doorasho xilligeeda ku dhacda laga qabto dalka, ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Intii uu banaanbaxaas socday ayaa rasaas ay ka dhacday nawaaxiga isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, waxaana wararku sheegayaan inay jireen dad ku dhaawacmay rasaastaas oo ay is weydaarsadeen ciidamada amniga iyo ciidan kale oo hubaysan.

Dhacadadaasi ayaa ilaa iyo shalay waxaa siyaabo kala duwan uga hadlayay masuuliyiinta dowladda iyo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Murashixiinta Mucaaradka.

Xalay waxaa shir jaraa’id oo uu arrintaasi kaga hadlayo Muqdisho ku qabtay, wasiirka amniga Xasan Xundubeey Jimcaale, isagoo ka digay in la qabto banaanbax aan lagu wargelin laamaha Amniga.

Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan Muqdisho ka soo dirtay.

Wasiirka amniga oo ka digay dibadbaxyada Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:37 0:00



XS
SM
MD
LG