Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi oo ku heshiiyey qodobo dhowr ah


Uhuru Kenyatta Muuse Biixi
Uhuru Kenyatta Muuse Biixi

Madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliland, Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa war-murtiyeed ka kooban 10 qodob kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi kadib markii Kenya ay casuumad rasmi ah u fidisay madaxweynaha Somaliland.

War-murtiyeedka wadajirka ah ayey labada madaxweyne ku sheegeen inay dib u xaiiqjinayaan sida xooggan oo ay uga go’an tahay inay sii dheereeyaan xiriirka saaxiibtinimo ee Kenya iyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu yiri “labada madaxweyne waxay xuseen, ayaga oo aad ah ugu qanacsan, in iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland uu salka ku hayo mabaadi’ iyo qayim ay wadaagaan oo ujeedkoodu yahay kobcinta nabad waarta, xasillooni, koritaan joogto ah, iyo barwaaqo wadaag ah. Ayada oo ay quseyso arrintan, waxay ballanqaadeen inay xoojiyaan, oo ay sii dheereeyaan iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray, in labada hoggaamiye ay wada hadalladooda diiradda ku saareen ballaarinta xiriirka ganacsi, sare u qaadaista wada-shaqeynta xagga duulimaadyada, oo ay ku jirto ogolaanta duuliimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Nairobi iyo Hargeysa, iyo ka wada-shaqeynta horumarinta beeraha, xoolaha, waxbarashada, tamarta iyo iskaashiga dekedaha Berbera iyo Mombasa.

Labada madaxweyne ayaa isku raacay jadwal ay ku fulinayaan qodobo dhowr ah oo ay ku heshiiyeen, waxaana ugu weyn, in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ka hor dhammaadka bisha March ee 2021, ayada oo Somaliland-a ay casriyeyneyso xafiiskeeda xiriirka ee Nairobi, isla waqtigaas.

Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa billaabeysa duulimaadyada tooska ah ee Hargeysa iyo Nairobi, ka hor bisha March ee 2021, sida ay ku heshiiyeen.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in saraakiisha sare ee Somaliland oo ku jira liis horey loo go’aamiyey, islamarkaana dokumentiyada socdaalka ee Somaliland ugu safraya Kenya ay Visa-ha ku codsan karaan online, islamarkaana garoonka lagu siinayo marka ay yimaadaan, taasi oo fulinteeda ay billaabaneyso kahor bisha March 2021.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida gobolka, si ay taasi ugu ogolaato shacabka inay raadsadaan horumarka dhaqaalaha bulshada iyo xasilloonida.

“Ayada oo ay quseyso arrintan, labada hoggaamiye waxay isla qireen in Somaliland ay sanado badan aheyd nabad iyo xasillooni, taasi oo ku timid sida ay uga go’an tahay mabaadi’ida dimoqraadiga ah iyo aasaasidda hay'ado dowladeed oo adag. Kenya iyo Somaliland waxay sii wadi doonaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyo raadinta barwaaqo wadaag ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiil sare oo ka kala tirsan labada dowladood ay u xil-saareen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hab loo hormarin karo heshiiska guud ee iskaashiga qodobo ay ka mid yihiin xiriirka labada shacab, ganacsiga iyo maal-gelinta, la-dagaalanka argagixisada iyo dambiyada dhinaca internet-ka, waxbarshada, iyo qodobo kale.

XS
SM
MD
LG