Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaqyo laga soo saaray xiisadda ka taagan doorashada Soomaaliya


Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya

Xiisad siyaasadeed ayaa bilihii ugu dambeeyeey ka aloosaneyd Soomaaliya, taasi oo salka ku haysa doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadkan foodda inagu soo haya ee 2021.

Waxaa dib u dhacday doorashadii Aqalka Sare ee baarlamanka, islamarkaana gudoomiyaha Aqalka Hoose ayaa dhawaan ku dhawaaqay in mudaneyaasha baarlamaanka ee haatan xilka hayaa ay sii joogayaan ilaa inta xildhibaano cusub la soo dooranayo mudo aan ilaa hada la cayimin.

Waxaan sidoo kale weli la hubin in doorasahda madaxtooyada lafteeda ay wakhtigeedii ku dhici doonto, iyo waxa dhacaya haddii uu dhammaado muddo xileedka madaxweynaha iminka.

Khilaafka ka dhashay gudiyadda doorashooyinka oo xukuumadda iyo mucaaradku ku kala fikir duwan yihiin dhinac kastaana uu guddi gaar ah soo dhistay, ayaan weli xal loo helin.

Waxa taasi baal socota hadalada warbaahinta la isku marinayo ee xanafta leh oo cabsi ku abuuray dadka rayidka ah oo mudo dheer colaado iyo dhibaatooyin ku soo jiray.

Hadaba Sahra Ciidle Nuur ayaa warbixintan ku eegaysa baaqa bulshada Rayidka ah gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed iyo sida ay u arkaan xaaladda haatan jirta.

Haweenka Iyo Baaqooda Doorashada Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:05 0:00


XS
SM
MD
LG