NAIROBI —
Waxaa sii xumaanaya xiriirka dawladda Kenya iyo dawladda federaalka Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyey aan cago adag ku taagneyn.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib ugu yeeratay safiirkii Kenya u joogay iyadoo taas beddekeeda safiirkii Kenya ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalkiisa waa-tashi ugu laabto.
Soomaaliya waxay ku eedaysay Kenya faro-gelin siyaasadeed, taas oo ay Kenya beenisay.
Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Kenya, horeyna usoo noqday guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka ayaa ka hadlay xiisaddan.
Haaruun Macruuf ayaa warixintan ka diyaariyey.
Facebook Forum