Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo ka hadashay booqasho uu Muuse Biixi ku tegay Nairobi


Safarka Muuse Biixi ee Nairobi
Safarka Muuse Biixi ee Nairobi

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kasoo degay magaalada Nairobi booqasho uu ku yimid dalkaasi.

Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu soo dhoweeyey sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo lagu magacaabo Ababu Namwamba.

Kenya waxay sheegtay in Madaxweyne Biixi uu kulan la yeelan doono Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta maalinta Isniinta ayna ka wada hadli doonaan arrimaha ay danaynayaan labada dhinac.

Kenya waxay sheegtay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay degganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtaraka iyo maalgashiga.

Kenya waxay sheegtay n Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalanka argagixisada gaar ahaan Al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG