Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ka ganacsiga dalaga ka soo go'a beeraha Soomaaliya oo kobcaya


Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Soomaaliya aad ugu soo kordhaya dadka xiiseynaya isticmaalka raashiinka laga sameeyay dalaga ka soo go'a beeraha Soomaaliya.

Raashinkan oo gudaha dalka looga yaqaan "wadani" ayaa qaar ka mid ah dadka sida weyn u isticmaala waxa ay u arkaan in uu leeyahay faa'idooyin badan oo caafimaad oo ka bedelan cunnooyinkii ay horay u quudan jireen.

Arrintaan ayaa ganacsi u noqotay dumar badan oo hadda si maalinle ah uga sameeyo dhaqaale ay ku maareeyaan noloshooda iyo tan qoysaskoodaba, sida uu warbixintaan ku eegayo weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Axmed Barrow.

Ka ganacsiga dalaga beeraha Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00


XS
SM
MD
LG