MUQDISHO —
Xaafad ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu garaacay madaafiic loo malaynayo in ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.
Illaa iyo hadda lama oga heerka khasaaraha ka dhashay weerarkaas, oo sidoo kale ay la socotay rasaas la is weydaarsaday.
Dhinaca kale waxaa isla xaley Muqdisho lagu diley mid ka mid ah wadayaasha mooto bajaajta.
Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan kasoo direy Muqdisho.
Facebook Forum