Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho


Shirka Iskaashiga
Shirka Iskaashiga

Shikrii shanaad ee Iskaashiga Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayey iskugu yuimaadeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ra’iisul wasaaraha Somaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa ka hadlay shirka, waxaana qodobada looga hadlay ka mid ahaa amniga, arrimaha bani’aadminnimada, dastuurka, iyo siyaasadda. Waxaa sidoo kale looga hadlayaa cudurka Covid-19 oo sannadkan Soomaaliya iyo caalamkaba si weyn u saameeyey.

Inkastoo madaxda dawladda federaalku ay shrika joogeen haddana madaxda maamul goboleedyada ayaa habka muuqaalka ah kaga qaybqaatay shirka.

Qodobka ay mas’uuliyiintu maamul goboleedyadu ka hadleen ayaa ah in isku soo dhowaansho laga gaaro qabsoomidda doorashada iyo in la fuliyo heshiiskii doorashadii ee madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalku gaareen bishii September.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00


XS
SM
MD
LG