Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muranka doorashada Soomaaliya ma keeni karaa xasillooni darro?


Shirka Muqdisho

Waxaa muuqata in dib u dhac uu ku imaanayo jadwalka doorashada Soomaaliya, ayada oo la seegay qaar ka mid ah taariikhihii loo asteeyey qabashada doorashada.

10-ka bishan December ayey aheyd waqtigii loo qabtey in lagu soo gabagabeeyo soo xulista xubnaha Aqalka sare, islamarkaana lagu bilaabo soo xulista xubnaha Baarlamanka Soomaaliya, balse taasi uma muuqato mid xiligan suurtagal ah.

Maamullada dalka iyo dowlada dhexe wali kama heshiin waxyaabo badan oo ku xeeran soo xulista xildhibaanada iyo deeganada qaar ay ka dhaceyso.

Sidoo kale guddiyada doorashada ee dowlada ayaa iyana shaki ay ka muujiyeen musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya, ayaga oo sheegay inay ku jiraan ciidan iyo shaqaale dowladeed.

Hadaba is horfadhigan siyaasadeed ma keeni karaa xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Falastiin Axmed Iiman ayaa diyaarisay warbixin arrintan ku saabsan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:57 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG